Xog ku saabsan hubka lagu bililiqeystay Caabudwaaq iyo meesha uu ku socday

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa hubkii dhowaan lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay xiisad haatan ka taagan Galmudug.

 

Xog cusub oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kadib xiriir ay la sameysay ilo kala duwan oo ku sugan Galmudug ayaanu ku ogaanay halka uu ku socday hubkaasi. Ilo wareedyada ayaa innoo sheegay in hubkan ay wax badan kala socdeen dowladda dhexe iyo Galmudug, balse ay habka wax ka qaldameen, taas oo keentay inay maleeshiyaad hubeysan la wareegaan hubkaasi oo lagu waday gawaari xamuul ah.

Labada dhinac ayaa iska fogeeyay hubkan, kadib warar kala duwan oo ay kasoo saareen, kaas oo haatan u gacan galay shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Weli Xaashi oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug, isla markaana la hadlay Shabelle ayaa sheegay in hubkan loo waday siyaasiyiin deegaanka ku sugan, kuwaas oo uu damac uga jiro hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ninkan ayaa carab baaba afar nin oo kala ah Xildhibaan Kulane Jiis, agaasimihii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad, wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Liibaan Shuluq oo kamid ah ganacsatada kasoo jeeda gobollada dhexe ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in hubkan laga soo iibiyay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, isla markaana lasoo mariyay dhinac dhulka, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here