XOG: Sidee ayuu u dhacay dilka loo gaystay Taliye Cabdulqadir Juuqlaawe?

0

CADALE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta lagu dilay taliyihii ururka daraawiishta Booliiska ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu magacaabi jiray, laba xidigle Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe).

 

Taliyaha aya ku dhintay is rasaaseyn dhex-martay ciidamo uu watay taliyaha iyo maleeshiyaad ku sugnaa duleedka deegaanka Xaaji Cali oo ah halka uu dilka ka dhacay.

Xogta ayaa sheegeysa in xilliga la dilayay taliyaha uu waday dadaallo nabadeed oo lagu xalinayo dil la xiriira aano qabiil oo xalay ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo kale oo ay ku jiraan dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyey mid kamid ah dadka deegaanka.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga qof kamid ah dadka deegaanka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here