XOG: Taliyaha Sirdoonka dalka Kenya oo booqasho ku tegay magaalada Kismaayo

0
default

KISMAAYO (SMN) – Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji ayaa socdaalkii ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas uu qabtay lagu soo warramayaa inuu maanta ku gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Warara ay Shabelle heshey ayaa sheegaya in wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay hadda kulan gaar ah ku leeyihiin madaxtooyada ee maamulka Jubbaland.

Kulankan ayaa la sheegay in aan si faahfaahsan looga war heyn, maadaama aan warbaahinta loo ogolaan inay goob ahaato.

Socdaalka Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Kenya ayaa ku soo aadaya xilli uu shalay taliyaha ciidanka militariga Kenya, Jen. Francis Omondi uu booqday Kismaayo, isaga oo wada-hadallo la xiriira amniga la qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Si kastaba, socdaalka saraakiisha sare ee amniga Kenya ay ku tageen Kismaayo, ayaa lala xiriiriyay qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay uga hortagto weerarada kordhaya ee ay Al-Shabaab ka geysaneyso dalkaasi, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here