Xog: Turkiga oo kulan-siinayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy

0

MUQDISHO (SMN) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wajahan yahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyib Erdogan oo ka shaqeynaya inay kulmaan isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Turkiga ayaa weli dhex-dhexaadin ka dhex wada Muqdisho iyo Addis Ababa, inkastoo ay horay u fashilmeen wada-hadallo uga dhacay magaalada Ankara ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here