CARUUSHA (SMN) – Waxaa maanta magaalada Caruusha ee dalka Tanzaaniya la filayaa inuu ka furmo shir madaxdeed ay yeeallanayaan dalalka xubnaha ka ah dallada bulshada bariga Africa, ee loo soo gaabiyo EAC.
Madaxda ayaa ka wada-hadlaya in Soomaaliya ay xubin ka noqoneyso ururkan iyo in kale.
Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay inay kamid noqon doonto ururkan.
Dhinaca kale Madaxweynaha oo shalay gaaray dalka Tanzaaniya ayaa xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya, isaga oo uga warbixinayo hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato.