Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Yaaqshiid

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Maxamuud Maxamed oo ay wehliyaan taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-Sugidda degmadaasi ayaa xalay kormeeray xaafadaha Yaaqshiid, ayaga oo u kuur galayay xaaladda guud ee degmadaasi.

 

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid ay mas’uuliyiinta ugu kuurgalayeen amniga iyo sida ay xaaladddu tahay habeenkii, maadaama hadda isbeddal weyb laga dareemayo caasimadda.

Guddoomiye Suleymaan Maxamuud Maxamed ayaa inta uu socday kormeerka la hadlay qaar kamid ah dadka oo uu xog wareystay, kuwaas oo sheegay inay dareemayaan xasilooni amni.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaan ay ku timid, kadib dadaal ay sameeyeen laamaha amniga, wuxuna tilmaamay in howlgal ay ka sameeyeen waaxda Suuq Bacaad ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo rah burcad ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa shacabka faray in aysan guryahooda ku soo dhaweyn ama ka kireyn qof aysan kasoo diiwaangelin xarunta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here