Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deegaanka Xuseen Cagey oo u dhow magaalada Masagawaa ee gobolkaasi.

 

Duqeyntan ayaa lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan hub iyo saanad ciidan looga guubay kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ku dhowaad 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

Ciidanka Qaranka oo la socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa ogaaday in maleeshiyaad laga soo abaabulay aagga deegaanka Cowsweyne ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen dhulka howdka ah ee lagu bartilmaameedsaday.

Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here