Xubno ka tirsanaa Shabaab oo howlgal lagu dilay iyo kuwa kale oola qabtay

0

KISMAAYO (SMN) –  Ugu yaraan 32 ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay 3 kalena nolosha ayaa lagu qabtay kadib howlgallo ay ciidanka Danab ee xoogga dalka iyo Daraawiishta maamulka Jubbaland ay ka fuliyeen degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada Hoose.

 

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayay sidoo kale Ciidamada wada jira kaga furteen Al-Shabaab saanad ciidan, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Sidoo kale waxa ay intaa ku dareen in ay ku raad joogaan xubno kale oo goobta ka baxsaday, isla markaana ay sii wadaan howlgalladooda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here