Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dalka Kenya

0

MANDHEERA – Ciidamada ammaanka Kenya ee qaabilsan howlgalada xadka Soomaaliya ayaa Jimcihii 12-kii July toogasho ku dilay afar ka mid ah Al-Shabaab, waxayna ka soo heleen keyd hub ah oo ku yaalla meesha uu howlgalka ka dhacay oo ah Banisa oo ku dhaw degmada Mandheera.

 

Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaa helay xog sirdoon, waxaana ay sigaar ah uga sifeeyeen kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa deegaanka Banisa.

Hase yeeshee 8 ka mid ah kooxda la weeraray ayaa waxaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobtii iyagoo dhaawaca ah, waxaana la dhaawacay intii ay dagaalka kula jireen Ciidanka.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Intii uu socday howlgalka sirdoonku hogaaminayay ayaa kooxda nabad sugida Kenya waxa ay soo furteen hal qori oo baasuuke ah, afar qori oo RPG ah, hal qori oo PKM ah, saddex qori AK-47 ah, todobo AK-47 ah, shan bastoolad iyo midkiiba hal joornaal. iyo shan teleefan oo gacanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here