Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu xukumay Kenya

0

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay labo nin oo xiray inay ku lug lahaayeen weerarkii 2019-kii ka dhacay DusitD2 hotel ee magaaladda Nairobi, kaasoo lagu dilay 21 qof, qaar kalena lagu dhaawacay.

 

Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Cabdi Cali ayaa lagu helay inay lacag u direen, islamarkaana u sameeyeen Aqoonsi been ah dagaalyahanadii weeraray huteelka oo 5 gaarayay, kuwaasoo katirsanaa Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa shaacisay inay xukun ku ridi doonto labada eedeysane 19-ka bisha soo socota.

Waxay Maxkamada xukun xabsi ah ku riday qof 3aad oo kiiskan weerarka huteelka loo qabtay, iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay in ay gacanta ku hayso xubno kale oo katirsan Al-Shabaab, oo dhawaan la xukumi doono.

Weerarka DusitD2 hotel wuxuu dhacay 6 sano kadib markii Al-Shabaab 67 qof ku dishay Westgate Mall, oo Nairobi ku yaalla. Weerarkaas waxaa ka dhimasho badnaa midkii 2015kii lagu qaadey Jaamacadda Garissa oo 148 qof ku dhinteen.

Al-Shabaab ayaa weeraro dhimashobadan sababay ka fulisay Kenya tan iyo markii Ciidamada dalkaas ay soo galeen Soomaaliya 2011, kuwaasoo wali ku sugan deegaanada maamulka Jubaland, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here