Xubno ka tirsan Guddiga Xalinta khilaafaadka oo u ambabaxay Baraawe

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban Mudane Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Baraawe ee Dowlad Goboleedka Konfurgalbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta Magaalada Baraawe.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa sheegeen in Guddigu uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here