Xukun Dil Ah oo Lagu Fuliyey Laba Xubin oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

0

Gaalkacyo, Ogoosto 25, 2025 – Maxkamadda Ciidanka ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo horey loogu helay falal aay kamid yihiin dilal qorsheysan iyo weerarro ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

 

Labada eedeysane, Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, ayaa lagu toogtay magaalada Gaalkacyo kaddib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku xukuntay dil toogasho, xukunkaas oo ay ansixiyeen dhammaan heerarka racfaanka.

Eedeysaneyaasha ayaa lagu helay in ay si toos ah uga tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta ka shaqeysa qaraxyada iyo weerarrada gaadmada ah. Waxay si gaar ah loogu eedeeyay dilal ka dhan ah nabadoonno iyo waxgarad deegaanka ah.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana ay fariin u tahay cid kasta oo ku lug leh argagixiso.

Fulinta xukunkan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii kordhaya ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay ku doonayaan in lagu xakameeyo falalka argagixisada, laguna xaqiijiyo amniga guud.

Taliska Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in xukunka uu fariin adag u dirayo kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo ku lug leh falal amni darro.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xustay in mudooyinkii dambe ay kordhisay fulinta xukunno dil ah oo ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee lagu helo dambiyada culus, si loo muujiyo sida loo adkeysanayo hirgelinta cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here