Xukuumadda iyo guddoonka BF oo loo jeediyay eedeymo culus

0

MUQDISHO (SMN) – Siyaasiga Cabdinuure Siyaad ayaa si weyn ugu eedeeyay xukuumadda iyo gudoonka Golaha Shacabka in sida ay doonaan ay ka yeeshaan mudanayaasha Barlamaanka.

 

Cabdinuure ayaa tilmaamay in ajandaha ay doonaan iyo waxyaabaha gaarka u ah ee ay u arkaan danahooda siyaasadeed in ay ku meel marsadaan, iyaga oo iska indha tiraya xildhibaannada sida weyn inta badan uga horyimaada.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay noqotay in qofkii la arkaa la’isaga magacaabo xil, isla markaana dadka la magacaabo ay intooda badan yihiin magac u yaal.

Baatlamanka Soomaaliya ayaa 2-dii sano ee ugu dambeesay meel-mariyay shuruuc fara badan, kuwaasi oo qarkood ay yihiin kuwo xasaasi ah oo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ay ka horyimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here