Xukuumadda Soomaaliya oo yeelatay ra’iisul wasaare ku xigeen labaad

0

MUQDISHO (SMN) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Xamse ayaa Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka howlaha guud ee Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya loogu magacaabay inuu noqdo Raysal wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Wasiirka Howlaha guud ee uu baneeyay Cabdisalaan Cabdi Cali ee ayaa waxaa isna loo magacaabay Cilmi Maxamuud Nuur oo horay mar u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliy.

Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Raysal wasaare ku xigeen labaad,tan iyo wixii ka dambeeyay dowladdii ku meel gaarka aheyd.

Wareegtada kasoo baxday Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale lagu magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru dowleyaal cusub oo kala ah:-

1-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Yuusuf Maxamed Aadan.

2-Wasiirka Gadiidka Badda iyo Dekedaha.

Maxamuud Axmed Aadan.

3-Wasiiru dowlaha Cadaalada iyo Dastuurka.

Ilyaas Shiikh Cumar Abubakar.

4-Wasiiru dowlaha Batroolka iyo Macdanta.

Ismaaciil shire Jaamac.

5-Wasiiru dowlada Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Maxamed Cusman Cumar.

6-Wasiiru dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ceynaanshe Yusuf Xuseen.

7-Wasiiru dowlaha Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah.

Maxamed Yusuf Xasan.

8-Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Maxamed Nuur Abubakar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here