MUQDISHO – Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 sano ayaa galabta guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda, kadib kulan ka tirsan ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.
Kulankan ayaa ahaa kii afaraad ee ay Soomaaliya ciyaarto, waxaana wiilasha Ocean Stars ay muujiyeen awood ciyaareed iyo isku xirnaan sare, taas oo u suuragelisay in ugu dambeyn ay 3–0 kaga adkaadaan Rwanda.
Guushan ayaa ka dhigeysa in xulka Soomaaliya uusan weli la kulmin wax guuldarro ah afartii kulan ee ay ciyaareen. Waxay heleen hal guul iyo saddex barbaro ah, iyagoo urursaday 6 dhibcood.
Rajada Soomaaliya ee u gudbidda wareega afar dhamaadka tartanka ayaa ku xiran natiijada kulan dhowaan dhici doona oo u dhexeeya xulalka Kenya iyo Koonfurta Suudaan. Haddii Kenya laga adkaado, Soomaaliya waxay heli doontaa fursad wanaagsan oo ay ku gudbi karto. Laakiin haddii Kenya guuleysato, wiilasha Ocean Stars ayaa tartanka isaga haraya.




