
WASHINGTON – Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay warbixin cusub oo ka digeysa khatar weyn oo amni oo ka jirta Geeska Afrika, iyadoo ay sheegtay in uu sii xoogeysanayo xiriirka Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab-ka ka dagaalama Soomaaliya.
Sida uu qoray Wargeyska Washington Post, Xuutiyiinta ayaa khubaro ku takhasustay qaraxyada usoo direy degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, oo ah xarunta ugu wayn Al-Shabaab ku leedahay Koonfurta Soomaaliya, taas oo ah halis cusub oo soo wajahay amniga dalka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa muujinaysa in labada koox ay xoojiyay iskaashiga ka dhaxeeya, waxayna hubka iyo dagaalyahano isku mariyaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, oo Maraykanka usoo diray Ciidamo si ay uga hortagaan isku dayga Xuutiyiinta inay saameyn ku yeelato Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha amniga ayaa uga digaya iskaashigan cusub inuu horseedi karo is-weydaarsi farsamooyin halis ah iyo hub casri ah, taasoo kor u qaadi karta awoodda labada kooxood.
Sarkaal hore oo sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, oo la hadlay Washington Post, ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid doorka Mareykanka ee Soomaaliya uu sababi karo firaaq amni oo ay labada kooxood ka faa’iideysanayaan.
Sarkaalku wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ah in Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay weeraro ka fuliso dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, iyada oo adeegsanaysa hubka iyo qaraxyada ay ka heshay Xuutiyiinta.
Ilo badan oo xog-ogaal ah ayaa ka digay in ka bixitaan Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya uu si weyn u wiiqi karo dadaallada muddada dheer lagu xasillinayo dalka iyo guulihii laga gaarey dagaalka in ka badan 16 sano lagula jiray Al-Shabaab.

![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

