Yemen Oo Dhistay Guddiga Sare ee Milatariga, Ciidamada Koonfurna Hoos Geeyay Taliska Isbahaysiga Sucuudiga

0

Cadan – Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen (PLC) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay dhismaha Guddiga Sare ee Milatariga, kaas oo dhammaan ciidamada ka howlgala koonfurta dalka lagu hoos geeyay taliska tooska ah ee isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga, si loo sugo xasilloonida kaddib khilaafaad iyo dagaallo gudaha ah oo dhawaan dhacay.

 

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii uu fashilmay guluf militari oo ay qaadeen Golaha Kumeelgaarka Koonfurta (STC), kuwaas oo bishii December la wareegay laba gobol oo muhiim ah. Hoggaanka STC ee ku sugan Riyadh ayaa Jimcihii ku dhawaaqay is-kala-dirid lagu muransan yahay, iyadoo warar kale ay sheegayaan in madaxweynaha STC, Caydaruuus Al-Zubaydi, uu ka baxsaday dalka isaga oo wajahaya eedeymo khiyaano qaran.

Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Yemen, Rashad Al-Calimi, oo khudbad telefishin jeediyay Sabtidii, ayaa sheegay in dhammaan ciidamada koonfurta Yemen ay hadda ka hoos shaqeyn doonaan taliska isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo.

“Waxaan ku dhawaaqayaa dhismaha Guddiga Sare ee Milatariga, kaas oo ka hoos shaqeyn doona taliska ciidamada isbahaysiga,” ayuu yiri Al-Calimi, isagoo xusay in guddigan uu mas’uul ka noqon doono tababarka, qalabaynta iyo hagidda dhammaan cutubyada iyo ciidamada milatariga ee ka howlgala koonfurta Yemen.

Ku dhawaaqistan ayaa timid maalmo kaddib markii ciidamada dowladda Yemen, oo taageero ka helaya Sacuudiga, ay dib ula wareegeen dhul ballaaran oo ay horey u qabsadeen xoogagga STC.

Sacuudiga iyo xulafadiisa gobolka ayaa ah laf-dhabarta isbahaysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta ay taageerto Iran, kuwaas oo sanadkii 2014 la wareegay caasimadda Sanca isla markaana weli maamula inta badan dalka.

Mustaqbalka STC ayaa weli mugdi ku jira, iyadoo warar is khilaafsan laga bixinayo xaaladda hoggaankiisa. Inkastoo wafdi u diray Riyadh uu ku dhawaaqay kala-dirid, xubno kale oo STC ah ayaa sheegay in go’aankaas lagu qasbay.

Dhanka kale, kumannaan taageerayaal ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay magaalada Cadan, iyagoo muujinaya taageero ay u hayaan STC, inkastoo mas’uuliyiin taageersan Sacuudiga ay mamnuuceen isu-soo-baxyada. Dadka mudaharaadayay ayaa lulayay calanka Koonfurta Yemen ee horey u ahaan jirtay dal madax-bannaan intii u dhaxeysay 1967 ilaa 1990, halka kuwo kalena ay wateen sawirrada Aidarous Al-Zubaydi.

Inkasta oo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay fadhigeedu yahay Cadan, haddana magaaladaas ayaa weli ah saldhig muhiim u ah STC, taas oo muujinaysa Adeyga siyaasadeed iyo midka amni ee weli ka taagan dalka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here