Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo.

Labada mas’uul waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya iyo qabanqaabada kulan ay yeesheen guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August,  Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dal.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad u hooseeyey xiriirkooda, kaas oo ka dhashay kiiska badda oo ay haatan ku guuleystay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here