Sawirro: Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta degmada Cabdicasiis

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,  ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dib udhiska lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis, si loo balaariyo adeegyada uu maamulka degmada u haayo bulshada deegaanka.

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee degmada si uu qiimeeyo fulinta mashruucan iyo tayadiisa, isagoo mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee xaruntan iyo adeegyada lagu bixin doono, iyadoo dadka baahiyaha gaarka qabo loo sameeyay goob ay isticmaalan marka ay adeeg usoo doontan xarunta degmada.

Inta badan xarumaha Degmooyinka gobalka Banaadir ayaa lagu sameeya dib u dhis iyo balaarin, si loo horumariyo adeegyada ay degmada qabato Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here