Dagaal culus oo goordhow dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka qarxay duleedka Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga bariga magaalada, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac, waxaana la sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidanka milatariga Somaliland.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana ay weli xaalad adag ka taagan tahay bariga Laascaanood.

Sidoo kale waxaa jirta duqeyn xoogan oo barbar socotay dagaalkan, ayada oo labada dhinac ay is weydaarsadeen madaafiic xoogan.

Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa daganeyd muddooyinkii u dambeeyay, balse dagaallada ayaa markale dib u billowday, kuwaas oo ku sii fidaya deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here