Maxkamadda racfaanka G/Banaadir oo soo gabagabeysay dacwadda 36 ajaaniib ah

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa markii saddexaad maAnta dhageysatay dacwad loo haysto 36 ajaniib kalluumeysato ah, kuwaas oo u kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan.

 

Eedeysanayaashan oo lasoo qabtay xilli ay ku sugnaayeen xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa horay xukun adag oo ganaax ah ugu ridday maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, ayada oo kadibna ay racfaan kasoo qaateen.

Maxkamadda ayaa soo gabagabeysiga dhageysiga dacwadda, ayadoo guddoomiyuhu amray in ajaaniibta lagu siihayo xabsiga, inta laga soo saaro xukunka ka dama dambeysta ah.

Ajaaniibtan ayaa waxa gacanta ugu soo dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaalita xili ay sifo sharci darro ah ugu kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale horay ula wareegtay kalluunkii ay kasoo qabsadeen xeebaha dalka, kuwaas oo lasii iibiyay, sida ay horay u shaacisay xeer ilaalinta qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here