Galmudug oo beenisay inay istaageen howlgalladii ka socda maamulkaasi

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Ugu horreyn Cumar Maxamed ayaa beeniyay inaY istaageen howlgallada xoreynta ee ka socDa gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna tilmaamay inay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in hal mar la qaado guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in haatan madaxweyne Qoor Qoor uu ku sugan yahay jiidda hore ee dagaalka, isla-markaaana uu booqday aagga magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug oo dhawaan uun laga saaray Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug ay ka socdaan dagaallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug, ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda oo haddana garab kasii helaya saaxibada caalamiga ah oo iyana dhanka hawada ka duqeynaya Al-Shabaab.

Howlgallada ka soconaya dalka ayaa haatan xoogooda waxaa laga dareemayaa gobollada dhexe, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle, ayada oo la filayo in wajiga labaad uu dhawaad gaaro maamullada kale ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here