KISMAAYO (SMN) -Ra’iisul Wasaare Maxamed Xueen Rooble ayaa hambalyo u diray xildhibaannada Aqalka sare ee maAnta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Rooble ayaa marka hore u hambalyeeyey Senatarada cusub ee maanta lagu doortay gudaha magaaladaasi.
”Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubaland ku matalaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Xubnaha la doortay ayaa kala ah:-
- Xasan Daahir Yarow
- Ibraahim Aw-gaab
- Laylo Nuur Maax
- Maryan Faarax Kaahiye