Jubbaland oo soo gaba-gabeysay doorashada xubnaha Aqalka Sare

0

KISMAAYO (SMN) – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland iyo Guddiga Baarlamanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada Aqalka sare  ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursigii shanaad (5) ee ay ku tartamayeen Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali.

Xasan Daahir Yarow ayaa ku guuleeystay kuriga isaga oo helay 59 cod, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali oo la tartamayey.

Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi.

Kursiga kale ee todobaad waxaa kusoo baxday  Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay  Xareedo Maxamed Sheekh.

Maryan Faarax Kadiye ayaa sidoo kale kursiga siddeedaad ee ugu dambeeyey ku guuleysatay, iyadoo heshay codad gaaraya 50, sida uu shaaciyey guddiga doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here