GURICEEL (SMN) – Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in markale uu halkaasi dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda Soomaaliya iyo xooggaga Ahlu Suna.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ah dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad rayid intaba.
Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo haatan xoogiisu uu ka socdo waqooyiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana gudaha Guriceel ka barakacay qoysaskii deganaa oo haatan ku dhibaateysan duleedka magaaladaasi.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

