Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna

0

GURICEEL (SMN) – Warar ka imaanayaa magaalada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen saraakiil ka tirsan xoogaga Ahlu Sunna ee dagaalka ka wada Guriceel.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in sedex ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Ahlu sunna la qabtay, iyaga oo dhaawac ah.

Saraakiishan ayaa waxaa dhaawacyadooda la geeyey magaaladda Gaalkaacyo, waxaana la sheegay in ciidamadda dowladda & kuwa Galmudug ay kala soo baxeen gudaha isbitaalka.

Xaaladda Guriceel ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana maalintii labaad ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda & Ahlu Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here