GAROOWE (SMN) – Kalfadhiga 49-aad ee baarlamanka Puntland ayaa maanta- gebi ahaanba la xiray sida uu shaaciyay guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba la xiro Kalfadhiga 49-aad, iyada oo go’aankaas uu Goluhu u codeeyay.
Kal-fadhiga xiga ee baralamaanka Puntland ee 50-aad ayaa ku beegan bisha June ee sanadka soo socda ee 2022-ka.