GAROOWE (SMN) -Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maanta ka qabsoomay deegaanka Hadhwanaag ee lagu go’aamiyey xabad joojin iyo kala rarista ciidan beeleedyada ku diriray deegaanka Saax-meygaag.
Guddigan ayaa kormeeraya in ciidan beeleedyada la kala geeyo Boocame iyo Birta-dheer.
- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye
- Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin
- Gen:- Axmed Taajir. Xubin
- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin
- Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin
- Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin
- Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin
Dhinaca kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaakulan gaar ah la qaatay odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag, waxaana uu ku booriyey inay door saliim ah ka qaataan hirgelinta nabadda iyo fullinta qodobada shirka maanta kasoo baxay.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland il gaar ah ku haynayso cidkasta oo isku dayda inay talaabo u qaaddo dhanka nabadgelyodarada, iyagoona la kulmidoona ciqaab adag, waxa uu ku adkeeyey in nabadda, wada-noolaanshaha, walaalnimada iyo deris-wanaagga loo hiiliye caqliguna shaqeeyo.
Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, masuuliyiin ka socotay Dowladda, isimo iyo waxgaradka ka qayb-galay shirka.