Ciidamada Jubbaland oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Kismaayo

0

KISMAAY (SMN) – Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyeen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga.

Howl-galladan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo, iyada oo ciidamadu ay su’aallo weydiinayeen dhalinyarada deegaanka.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa ujeedkooda ku sheegay in looga hortagayo falalka amni darrada ah.

Kismaayo ayaa waxaa ka bilaabtay doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here