Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku xukuntay askari horey u dilay Bajaajle

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo bishii Augost 2019 agagaarka tarabuunka ku toogtay marxuum, Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Maxkamadda ayaa doodo dheer ka dib maanta go’aan ka soo saartay dacwadda loo haysto eedeysanaha, iyadoo Xasan Maxamuud Dhiblaawe ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum, Maxamed Cawil Jaamac.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here