Sawirro: Guddoomiye Fiqi oo isku soo taagay kursi ka mid ah BF Soomaaliya

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa isku soo sharaxay kursiga HOP#187 ee Golaha Shacabka, isaga oo maanta qaatay shahaadada musharaxnimadiisa.

Fiqi ayaa lagu soo warramayaa in kursigan loo xiray, waxaana horey ugu fadhiyey Shariif Shiikunaa Maye oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Sidoo kale waxaa shahaadada musharaxnimada lagu guddoonsiiyey wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Xamza Saciid Xamza oo isna u tartamaya kusriga HOP#194.

Koonfur Galbeed ayaa haatan dardar-gelineyso doorashada Golaha Shacabka, waana maamulka ugu horreeya marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here