Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyey gudaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidmada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwanta ah meel u dhow deegaanka Dudubley 22-kii bishan.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka sida uu dhigayo oggolaashihii Isticmaalka Ciidanka Milatariga Mareykanka ee 2001.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay Al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka AFRICOM.

AFRICOM ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here