Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay wafdi ka socda QM + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada Adam Cabdulmowlaa, waxayna Rooble kala hadleen arrimaha abaaraha dalka, gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii la’isugu duwi lahaa dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here