R/W Rooble oo kulan la yeeshay safiirka Midowga Yurub + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo  dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka, ayna taageerayaan dadaallada Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here