Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku boorriyay mas’uuliyiinta dowladda inay ku safraan baasaboorka Soomaaliga

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boorriyay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta sare ee dowladda inay ku safraan baasaboorka Soomaaliga, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharafta iyo sumcadda baasaboorka qaranka.

 

Hadalkan ayaa yimid xilli toddobaadyadii u dambeeyay ay soo baxayeen warar ku saabsan in dowladda Kenya ay xannibtay ama dib u celisay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku safrayay baasaboorka Soomaaliga, arrintaas oo sii kordhisay doodda ku saabsan isticmaalka baasaboorka qaranka iyo kan dalalka kale.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan ka jeediyay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan hirgelinta baasaboorka jiilka saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaas oo dowladda ay sheegtay inuu sare u qaadi doono tayada baasaboorka Soomaaliyeed, fududeyn doonana isku socodka muwaadiniinta.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan baasaboorka cusub, iyadoo sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay wax-ka-beddelka xogta shakhsiga ah ee baasaboorka si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda dukumentiga safarka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, go’aankii uu dib ugu celiyay baasaboorkii ajnabiga ahaa, isagoo tusaale u soo qaatay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyiinta dowladda ay adeegsadaan baasaboorka Soomaaliyeed marka ay gudanayaan waajibaadkooda rasmiga ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadka wasaaradaha ee rubucyadii koowaad iyo labaad ee sanadkan, qorshaha hirgelinta nidaamka E-Cabinet System, iyo dib-u-habeynta maamulka shaqada Golaha Wasiirrada.

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, halka sidoo kale wax-ka-beddel lagu sameeyay magacaabista xubin ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka, iyadoo Aadan Kuuloow Macalin Qaasim loo magacaabay beddelka Cali Macalin, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyay safarkiisii uu dhowaan ku tagay Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isagoo bogaadiyay isku duubnida shacabka iyo maamulka, isla markaana hambalyeeyay doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here