GARBAHAAREY (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaareey.
Rooble ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarreey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Doorashada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, kadib markii ay Jubbaland shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin magaaladaas oo ay taallo 16 kursi.