Gaalkacyo – Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Puntland ay si rasmi ah ula wareegeen taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen ciidamadii hore ee PSF, kuwaas oo maamulka ku eedeeyay inay si sharci-darro ah isu ekeeysiiyeen ciidamada amniga. Puntland waxay sheegtay in xaruntaasi hadda si buuxda ugu jirto gacanta dowladda, islamarkaana la xaqiijiyay amnigeeda iyo maamulkeeda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Puntland, tallaabadan ayaa daba socota hawlgal amni oo qorsheysan oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay inay khatar ku ahaayeen amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta deegaannada Puntland.
Puntland waxay sheegtay in intii uu socday hawlgalka Gaalkacyo la qabtay 101 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dagaallada, halka sidoo kale la gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ahaa. Waxa kale oo ay sheegtay in ciidamada ay la wareegeen hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan tuutayaal boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha booliska iyo qalab kale oo ay sheegtay inuu qayb ka ahaa deeq ay Dowladda Shiinaha hore ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Maamulka Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan hawlgalladaasi loo fuliyay si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, xoojinta hay’adaha dowladda iyo dhaqangelinta sarreynta sharciga.
Dhanka kale, Puntland waxay ugu baaqday dhammaan kooxaha hubeysan iyo shaqsiyaadka weli hubka sita inay isku soo dhiibaan dowladda, kana faa’iideystaan fursadda dib loogu soo celinayo nidaamka sharciga. Waxa kale oo ay digniin u dirtay cid kasta oo taageerta ama gabaad siisa kooxahaasi, iyadoo sheegtay in lagula xisaabtami doono si waafaqsan sharciga.
Ugu dambeyn, Puntland waxay shacabka ugu baaqday inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta falalka amni-darrada ah, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.




