MUQDISHO (SMN) – Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna doorteen Guddoon.
Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayay u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare
Senator Samsam Daahir Maxamuud guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare
Sidoo kale Senator Farxaan Cali Xuseen Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare