Maxkamadda Hargeysa oo amar culus kasoo saartay xariga 13 Wariye

0

HARGEYSA (SMN) – Waxa maanta maxkamadda Hargeysa la horgeeyay wariyayaashii magaalada Hargeysa lagu xiray afar maalmood ka hor.

Maxkamadda ayaa warqad ogolaansho ah ciidanka u siisay in ay wariyayaashan xabsiyada kusii hayn karaan shan maalood taas oo ay ciidanka danbi baaristu ka codsadeen maxkamada.

Wariyayaashan ayaa sidoo kale la filayaa in shantaa maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada.

Wariyayaashani ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee xabsiga Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xiran halkaasi.

Ururka suxufiyiinta Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga weriyayashan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here