Wasiir Bayle oo kulamo ka wada magaalada Washington + Sawirro

0

WASHINGTON (SMN) – Wasiirka wasaaradda  Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, ayaa shirar miradhal ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

Sidoo kale Bayle ayaa kulan la yeeshay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Waaxda arrimaha Dibaddda Mareykanka. Wasiirka Beyle  ayaa sidoo kale kulamo d gaar gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Hey’adda IMF iyo Hey’addaha kale dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u joogo magaalada Washington shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka, Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Hey’adda kale ee caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here