Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda, shacabka iyo hoggaanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, kaddib masiibadii ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay gobolka Amxaarada, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Itoobiya xilligan adag, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday masiibada, isla markaana u muujisay murugada ay ka qabto dadka ku dhaawacmay.
Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay dadaallada ay hay’adaha gurmadka iyo mas’uuliyiinta Itoobiya ugu jiraan baadi-goobka iyo badbaadinta dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka xooggan.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeysay dhammaan dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah, iyadoo muujisay sida ay ula qeybsaneyso shacabka Itoobiya xanuunka ka dhashay musiibadan dabiiciga ah.




