Saciid Deni oo shaaciyey balan-qaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya

0

Garoowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu balan-qaad u sameeyay Maamul goboleedyada.

Saciid Deni oo la hadlay wargeyska The Economist ayaa sheegay in Madaxweynaha uu u balan-qaaday in uu xukunka la wadaagi doono islamrkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal ah.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa si faah faahsan u sharaxin waxa uu ka wado xukun la wadaagista uu Madaxweynaha u balanqaaday , laakin waxaa la aminsanayahay in ay tahay ka tashiga aayaha masiiriga ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here