Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey heshiiskii uu lasoo galay Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Filish)  ayaa maanta dib ugu Soo noqday Dalka kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.

Cumar Filish ayaa waxaa garoonka Aadan Cade kusoo dhaweeyay madax kala duwan oo isugu jirtay Xildhibaano katirsan BFS, Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada Degmooyinka.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu Warbaahinta kula hadlay qeybta V.I.P isagoo ka warbixiyay heshiishkii ay wada gaareen Dowlada Hoose Konya ee dalka Turkiga iyo Dowlada Hoose ee Muqdisho

“Waxaan aaday Turkiga waxaan heshiis lasoo saxiixanay maayarka magaalada Konya waa magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga. Heshiiskaas waxa uu ku saabsanaa heshiis mataaneyn ah oo la mataaneynayo Konyo iyo Muqdisho,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here