BARAAWE (SMN) – Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya golaha deegaanka Baraawe iyo maamulka degmadaasi, kaas oo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya.
Xildhibaanada golaha deegaanka Baraawe ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha degmada ku takrifal awoodeed iyo musuq-maasuq hantida dadweynaha.
Sidoo kale waxaa socoda mooshin ka dhan ah guddoomiyaha degmada Baraawe, kaas oo ay wadaan xubno ka mid ah golaha deegaanka ee magaaladaasi.
Deeq Cumar Saalax oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa Shabelle uga warramay xiisadda ka taagan Baraawe, wuxuuna xaqiijiyey inuu jiro khilaaf u dhexeeyo golaha iyo maamulka.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan kacsan, waxaana magaallo xeebeedka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeedo.