Muqdisho – Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cali Cigaal.
Farmaajo ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ka mid ahaa haldoorka iyo tiirarka suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in uu bulshada uga tegay dhaxal faneed oo qiimo badan, kaas oo jiilal badan ku beeray qiyamka midnimada, waddaniyadda iyo nabadda.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in waxqabadkii iyo hal-abuurkii uu Marxuum Axmed Cali Cigaal ka sameeyay fanka Soomaaliyeed ay sii ahaan doonaan dhaxal ay ka faa’iideysan doonaan jiilasha soo socda.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa Alle uga baryay Marxuum Axmed Cali Cigaal inuu ka waraabiyo naxariistiisa, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.



