Ciidamada Booliska oo xalay howlgal ka sameeyay Howlwadaag + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahiyay howlgal qorsheysan oo xalay laga sameeyay qaybo kamid ah gudaha degmada Howlwadaag.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo Al-Shabaabnimo iyo maan-dooriye isugu jiro Qamri iyo Calaq, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska.

“Ciidanka Amaanka ayaa caawa fiidkii howlgalka Ciiltire ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Howlwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale qoraalka kusii daray “Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Khawaarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maandooriyaha”.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in howlgalkan lagu soo qabtay laba eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Dhanka kale, isla howlgalka ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay in ay Khawaarij yihiin. Mahadsanidiin” ayaa markale lagu yiri qoraalka Booliska.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here