Muqdisho – Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay sare u qaaday cadaadiska ay saareyso dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii laba mas’uul oo sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya laga soo celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee Nairobi toddobaadyadii u dambeeyay, laguna amray inay dib ugu laabtaan Muqdisho.
28-kii Juun 2026, waxaa garoonka JKIA laga soo celiyay Ku-xigeenka 2aad ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, halka 26-kii July 2026 sidoo kale loo diiday gelitaanka Kenya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari, waxaana dib loogu celiyay Muqdisho, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin labada dhacdo.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu wajahayo caqabado. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa dhawaan sheegay in muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Baarlamaanku uu dhammaaday, isla markaana Soomaaliya ay gashay “marxalad hubanti la’aan ah iyo firaaq dastuuri ah.”
Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan weli ka jawaabin hadalladaas iyo soo celinta labada mas’uul, dhacdooyinkan is xigxiga ayaa sii xoojiyay hadal-heynta ku saabsan xaaladda xiriirka labada dal iyo fariimaha siyaasadeed ee laga dheehan karo tallaabooyinka ay Kenya qaaday.



