Maxkamadda CQS oo xukuno ku ridday askartii ka dambeysay dhacdadii Siinaay

0

MUQDISHO (SMN) -Maxakmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday askar ka tirsan ciidanka dowladda oo weerar sababay dhimasho iyo dhawac ka geystay isgoyska Siinaay, 27-kii bishii Febraayo ee sanadkan.

 

Muuqaal argagax leh oo ay duubtay Kaamirooyinka qarsoon CCTV iyo baaritaano ay sameeyeen bahda garsoorka kadib ayey maxkamaddu maanta xukuno kala duwan ku ridday ilaa 13 askari oo ay ku caddaatay in si bareer ah ay u geysteen weerarkakaasi oo lagu qaaday guddoomiyaha Yaaqshiid iyo ilaalo uu watay oo xilligaasi waddada marayay.

Maxakamadda ayaa xukun dil ah ku ridday Cabduqaadir Xasan Cabdulle (Sheelare), Axmed Mire Cismaan Fiidow (Dhagaweyne), Maxamuud Cabdi Maxamed Nuur (Abooto Koris) iyo Cabdulaahi Cismaan Isxaaq oo lagu helay inay toogasho ku dileen shacab iyo askar.

Sidoo kale Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdulaahi Abshir ayey Maxkamaddaku xukuntay 5 sano oo xabsi ciidan ah, halka min saddex sanno oo xabsi ciidan ah lagu xukumay Cabdikariin Shaafici Cusmaan Cabdulaahi, Cali Isxaaq Cabdikariin Maxamed, Siyaad Cabdulaahi Xirsi Geedi iyo Maxamed Cali Cabdulaahi.

Dhanka kale, maxakmadda ayaa sii deysay Axmed Cali Axned Maxamuud Macalinka oo wax dambi ah lagu waayay baaritaanka kadib.

Halkan hoose ka daawo Sawirrrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here