Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Beesha Caalamka ugu baaqay in heshiis siyaasadeed laga hormariyo kala-guurka amniga

0

Muqdisho – Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan u diray madaxda dalalka ciidamada iyo booliska ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), isagoo ku baaqay in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu noqdo saldhigga kala-guurka amniga iyo mustaqbalka dalka.

 

Warqadda, oo ku taariikhaysan 27-ka July 2026, ayaa lagu sheegay in Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay xubno ka yihiin Madaxweyne hore, Ra’iisul wasaareyaal hore, madaxda Puntland iyo Jubaland, iyo siyaasiyiin kale oo hore. Golaha ayaa uga mahadceliyay dalalka ciidamada ku deeqay AUSSOM kaalintii ay ku lahaayeen sugidda amniga Soomaaliya ku dhowaad 20 sano ee la soo dhaafay, isagoo xusay in kumannaan askari oo Afrikaan ah ay naftooda u hureen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Golluhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad siyaasadeed oo halis ah, isagoo xusay in muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka Baarlamaankuna uu dhammaaday 14-kii April 2026, islamarkaana aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo lagu maareeyo marxaladda kala-guurka. Sida lagu sheegay warqadda, xaaladda taagan ayaa wiiqday midnimadii qaranka iyo dadaalladii lagula dagaallamayay Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidooo kale, Gollaha wuxuu walaac ka muujiyay sii xumaanshaha xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland. Gollaha ayaa sheegay in labadaas maamul ay weli safka hore kaga jiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, balse ay la kulmeen taageero la’aan iyo cadaadis kaga imanaya dowladda dhexe.

Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in caqabadaha dhaqaale ee soo wajahay UNSOS iyo AUSSOM aysan salka ku hayn dadaalka dalalka Afrika, balse ay la xiriiraan maqnaanshaha dowlad ay bulshada caalamku ku kalsoonaan karto. Warqaddu waxay xustay in hawlgal kasta oo amni uusan beddeli karin dowlad sharciyad leh.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa ugu baaqay madaxda dalalka ciidamada ku leh AUSSOM inay Shirka Kampala ku taageeraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana la dhiso Golaha Ku-meelgaarka ah si uu u maamulo geeddi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyad iyo kalsooni shacabka ku dhisan leh.

May be an image of textMay be an image of text that says "The legitimate, follow. who May 2026. place politics, political fragmentation whose the sacrifice Somalia the direct Somali and people. the Army, built esh, has been political unified effort upon which against Equally fight against l-Shabaab eroded state cannot successfully growing deterioration States and directly being weakened against both forces continue hesitation fight demands being funding trust and not absence Excellencies The Somali and action. Council wishes that constitutional remain fully and compromise rather than priority provide restore managed Somali legitimate oversight and credible manner. therefore respectfully urge and ensure the restores safeguard Heads Governments conditions inclusive political engagement. peaceful"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here