Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Degmada Jilib

0

Muqdisho [SMN] – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in weerar dhanka cirka ahaa ay ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, halkaasi oo weli ay ku xooggan yihiin Ururka Al Shabaab.

 

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan ay ka dhacday Degmada Jilib oo qiyaas ahaan 385km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Taliska AFRICOM ayaa xusay in duqeynta lagu beegsaday xubno ka tirsan Al Shabaab, inkastoo aysan shaacin khasaaraha dhabta ah ee weerarkan ka soo gaaray Al Shaaab.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu xusay in duqeyntan aysan wax khasaaro dhimasho ama dhaawac ahba ka soo gaarin shacabka ku dhaqan Magaalada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Bayaanka ayaa lagu qeexay in Mareykanka uu fuliyay duqeyntan kadib codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan duqeyntan ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here